Madaxwaynaha oo dalka kusoo laabtay

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si wanaagsan waxaa garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Xildhibaano,Wasiiro iyo Madaxda kale.

Madaxwayne Xasan sheekh ayaa halkaas waxaa uu salaanta kaga qaatay ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa kadib madaxwaynaha uu sheegay in guul uu ku soo dhamaaday Safarkii uu kutagay Turkiga ayna cadaysay dowlada dalkaas inay diyaar u tahay garab istaaga dowlada iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha ayaa carabka ku dhuftay In Dowlada Turkiga ay wacad ku martay inay la diyaar yihiin taageero dhinac kasta ah.

Dhinaca kale Madaxwayne xasan Sheekh ayaa Cambaareeyay Qaraxii habeenkii xalay ka dhacay Xaafada Islii ee Soomaalid ay dagto kaas oo uu ku dhaawacmay Xildhibaan ka tirsan DowladaKenya.