Madaxweynaha Masar oo markii ugu horeysay u goodiyay Ethiopia iyo xiisad taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaci doonto dowlada Ethiopia oo ay ku muransan yihiin Wabiga Nile.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax al-Siisi, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlaayay Saxaafada dalka Masar, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay ku dadaaleyso leex sashada Wabiga.

Cabdifitaax al-Siisi, waxa uu tilmaamay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo qeybta ay ka leeyihiin Wabiga, haddii ay taa dhacdana ay qaadi doonaan talaabo adag.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Ethiopi ay dooneyso inay leexsato Wabiga Nile, balse dowladiisa ay kasoo horjeedo isla markaana ay diyaar u tahay inay iska caawiso dowlada xadgudubka u bareertay ee Ethiopia.

Al-Sisi waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Al-Sisi waxa uu intaa ku daray in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Sidoo kale, waxa uu ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo adag oo ay dhulka ku dhigi doonaan Ethiopia, haddii ay dhacdo in lasii wado xadgudubka qaawan.

Geesta kale, Shacabka Masaarida ayuu ugu baaqay inay u istaagan sida ay Wabigooda uga ceshan lahaayen dowlada Ethiopia oo iminka wada dadaalkii ugu danbeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com