Madaxweyne Xasan oo guddoomiyihii Bankiga Dhexe ku beddelay haweeney

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa gabadha lagu magacaabo Yussur Abraar u magacaabay inay noqoto gudodomiyihii ugu horeeyey oo haweeney ah ee Bankiga dhexe ee Somalia.

Yussur, ayaa ah haweeney si aad ah looga qadariyo habka maaliyadda caalamka, ayada oo heysata khibrad 30 sano ah oo la xariirta Bankiyada, ceymiska iyo maareynta halisaha maaliyadeed.

Waxa ay horey u ahaan jirta madaxweyne ku xigeenka shirkadaha Citigroup iyo AIG ee New York.

yussurMs. Yussur ayaa ahmiyadeeda ugu horeysay ku sheegtay wax ka qabashada dhinaca lacagta Somalia ee qiima dhacday, dib u dhiska hanaanka maaliyadda Somalia iyo sidii loo diiwaan gelin lahaa oo ay shati ugu shaqeyn lahaayeen bankiyada Somalia.

Yussur ayaa shahaadada Bachelor ee dhinaca maaliyadda ka qaadatay jaamacadda Oklahoma State University ee dalka Mareyanka.

Waxa ay beddeli doontaa Cabdisalaam Cumar, oo aan la sheegin waqtigii xilka laga qaaday iyo inuu is-casilay midna.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com