Magacaabista safiirka cusub ee Itoobiya: Ma qorshe siyaasadeed qabayaalad loo adeegsanayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Itoobiya ayaa is badal ku sameysay safirkii Soomaaliya u fadhin jiray waxayna si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi kasoo jeedo deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Haddaba isbadalka ay dowladda itoobiya ku sameysay safaaradeedda Soomaaliya ayaa la sheegay in looga gol leeyahay laba arrin oo midkood ay saameyn ku yeelan karto dowladda cusub ee uu calanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa ku sheegay ujeedka laga leeyahay in nin Karanle Hawiye oo ay walaalo yihiin Murusade laga dhigo safiirka Itoobiya ay Soomaaliya ay muujineyso arrin siyaasadeysan oo loo fasiran karo laba waxyaabood.

Midda koowaad ayey fallanqeeyayaasha ku sheegeyn inay tahay in la iska hor keeno shacabka iyo dowladda cusub lana muujiyo inuu xiriir dhaw ka dhaxeeyo Xasan Cali Kheyre oo ah nin kasoo jeedo Beesha Murusade iyo safiirka cusub oo Karanle Hawiye ah sidaasna ay dowladda itoobiya lug ugu leedahay siyaasadda dowladda cusub taasoo keeni karto in tashuus lagu furo madaxwyene Farmaajo.

Waxaa laga digay qatarta ka dhallan karto arrintaas oo lagu sheegay inay Itoobiya uga gol leedahay hagar deemeynta dowladda cusub maadaama dowladda cusub ay heysato kalsooniada shacabka sidaasna ay Itoobiya ugu fakartay inay iska hor keento shacabka iyo dowladda is jacel.

tallaabadaan ay Itoobiya qaaday ayaa lagu sheegay inay tahay mid looga faa’ideysano ninkaan ay isku beesha yihiin Ra’isulwasaaraha cusub waxayna muujineysaa inay tahay siyaasad qabyeeleysan.

Midda labaad oo arrintaan loo fasiran karo ayaa lagu sheegay inay Itoobiya magacaabistaan ula jeedo inay siyaasad furfurnaan ah ku wajahdo dowladda cusub oo la sheegay inaysan xiriir fiican la yeelan doono Itoobiya waxayna isku dayeysaa inay hesho meel ay siyaasadda dowladda kasoo gasho waana midda keentay inay magacawdo shaqsi ay isku beel yihiin Ra’isulwasaare Kheyre.

Dowladda Itoobiya oo la og yahay ineysan raali ka ahaan karin dowlad u dhalato Soomaaliya oo cagaheeda isku taagto ayaa qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku fashilin karto dowladaha u dhasha Soomaaliya waana siyaasad ay waligeyd ku fakari jirtay Itoobiya.

Culeyska ugu weyn oo ay Itoobiya ka dareemeyso dowladda cusub ayaa ah inuu Madaxweyne Farmaajo ujeedkiisa koowaad ka dhigtay inuu dhiso ciidamo qaran oo Soomaali ah kuwaas oo la wareegi karo amaanka Soomaaliya midaasna Itoobiya waxay u aragtaa inay caqabad weyn ku noqon karto danaha gaarka ah oo ay la deedahay Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa xoog ku heysato dhul badan oo ay leedahay Soomaaliya waxayna ku fakareysaa haddii ay Soomaliya hesho ciidamo awood leh inay midaas saameyn ku yeelan karto dhulalka ay Soomaaliya ka heysato waxayna markasta xoogga saartaa inaysan Soomaaliya ka dhalan dowlad awood leh.

Waxaa laga war sugayaa qorshaha ay dowladda cusub ku wajahdo safiirka ay Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya sidoo kale waxaa isha lagu hayaa xiriirka ay dowladda Soomaliya la yeelan karto Itoobiya oo saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com