Mareykanka oo war cad ka soo saaray 11-ka xubnood ee laga saaray Aqalka Hoose

Muqdisho (Caasimada Online ) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka warramey hanaanka doorashada ee Soomaaliya, Caqabadaha jira iyo aragtida dowlada Mareykanka ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Danjire Stephen Schwartz oo ku dheeraaday Arrimaha Doorashooyinka Somalia, ayaa qiray in xarumaha dowlad gobolleedyada dalka, ay ka dhaceen falal danbiyeedyo, musuq maasuq iyo wax is daba marin, oo dhamaantood xadgudub ku ah arimaha doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Danjire Stephen Schwartz oo ka hadlaayay dib u dhacyada ku imaaday xiliga Doorashada ayaa yiri ”Dib u dhaca weyn ee doorashada waxaa sabab u ah oo keenay guddiyadii doorashada iyo hogaamiyayaasha siyaasada oo aan isla meel dhigi qaladaadkii dhacay”

Danjire Stephen Schwartz oo wax laga weydiiyay Liiska Xubnaha 11-ka ah ee la laalay ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Mareykanka iyo wadamada kale ee saaxiibada la’ah Somalia aysan raali ku noqon doonin in dib loo soo celsho xubnaha lagu doortay Musuqa dhacay.

Danjiraha waxa uu tilmaamay in Liiska Xubnaha Musuqa lagu doortay gabi ahaantooda laga soo saaray liiska kuraastii ugu saameynta badnaa marka laga hadlayo musuq maasuqa dhacay.

Danjire Stephen Schwartz, waxa uu sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay ayidayaan natiijada doorashada, hadii ay arkaan in hanaanka doorashada uu noqdo mid la aamini karo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu soo hadalqaaday Khilaafka ka taagan Kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxa uuna Tibaaxay in xalinta Khilaafkaasi ay ku gudajiraan isla markaana ay ka go’an tahay in Doorashadooda ay si wanaagsan u dhacdo.

Khilaafka ka jira Kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayuu sheegay in badankooda xal laga gaaray inta harsana ay ku jiraan xalinteeda.

Haddalka Danjire Stephen Schwartz, ayaa kusoo beegmaaya xili cabsi muuqata laga muujinaayo qaabka ay ku socto Doorashooyinka Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com