Mas’uul ka qeyliyay heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in la gacan bidixeeyay lacagihii loogu tallo galay abaaraha ka jira deegaanada Galmudug.

Xildhibaan Caseer Axmed Yuusuf oo kamid ah mudanayaasha maamulka Galmudug, ayaa sheegay inaanu jirin lacago sax ah oo gaaray dadka ay saameeyen abaaraha ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Caseer ayaa sheegay in Guddiga gurmadka abaaraha Galmudug ay ku kaceen musuq-maasuq kii ugu cuslaa waxa uuna cadeeyay in dhammaan lacagihii loogu tallo galay abaaraha ay ku dhaceen jeebka shaqsiyaad gaara.

Xildhibaan Caseer ayaa sheegay in xiligaani dadka ku nool 16 tuulo oo hoostaga deegaanka ay ku noolyihiin dhibaato weyn, waxa uuna sheegay in lacagihii loogu tallo galay ay gashay jeebka shaqsiyaad gaara.

Dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay xabsi dhigaan shaqsiyaadka uu ku fooraaro Musuqa, waxa uuna ku taliyay inaan laga aamusin ficilada gurcan oo ay ku kacayaan Guddiyada Abaaraha.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili deegaanada ay ka jiraan abaaraha ay weli yihiin kuwo aan la gaarsiin raashiin iyo lacagba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com