Maxaa ka jira wararka sheegaya in markab uu ku qarxay xeebaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Howgalka Midowga yurub EU NAVFor ayaa beeniyay in mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka uu dab qabsaday, kadibna uu ku qarxay oo uu ku degay Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaa xeebaha Puntland.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda twitterka ayay ku sheegeen inay ka warqabaan wararka la xiriira in uu dab qabsaday markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Midowga yurub.

“Waxaanu xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin markiibtayada dagaalka ee ilaalisa xeebaha Soomaaliya, dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu waa badqabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ciidamada Midowga yurub ay soo dhigeen bartood twitter-ka.

Qaar ka mid ah dadweynaha degan Degmadda Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee xeebaha Puntland ayaa idaacada VOA u sheegay  inay arkeen markab weyn oo ay u malaynayaa inuu yahay midka dagaalka oo qarxaya  ka dibna biyaha quusay

Qaar ka mid ah kaluumeysata iyo dadka deegaanka oo ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay inay u maleynayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay markabka oo nooca dagaalka ah.

Waxey sheegeen in laba Markab oo kale oo kuwa dagaalka ah oo u soo gurmaday ay illaa iyo hadda taagan yihiin halka uu markabka ku degay oo Murcanyo u jirta ilaa iyo afar mile.

Howlgalka Midowga yurub oo la bilaabay 10 sanno ka hor ayaa maraakiibtooda dagaalku waxay ka ilaaliyaan xeebaha  Soomaaliya Burcad-badeeda iyo hubka sida sharci-darada ku soo gala Soomaaliya.