Maxaa kala soctaa qorshaha cusub oo ay dowladu ka leedahay Maamul Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka howlgasha Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in dowladu ay wado qorsho lid ku ah Maamul Goboleedyada dalka.

Mas’uuliyiinta aan la wadaagnay xogta ayaa sheegaya in qorshaha cusub ee iminka socda uu yahay in kursiga laga laalo Hogaamiyayaasha liijaanka u haya maamul Goboleedyada.

Qorshaha socda ayaa ah in Hogaamiyayaasha hadda ku magacaaban xilka maamul Goboleedyada lagu bedelo kuwo cusub oo ay wadato dowlada Federaalka ah ee Somalia, maadaama kuwa hadda shaqeeya ay ka horeeyen dowlada Farmaajo.

Riditaanka Hogaamiyayaasha hadda shaqeeya ayaa waxaa loo mari doonaa Xildhibaanada maamul Goboleedka, waxa uuna qorshaha ugu weyn yahayin dowlada Federaalka ah ee Somalia ay hesho Hogaamiyayaal ku shaqeeya talada dowlada.

Sidoo kale, xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in qorshaha socda uu yahay mid looga gol leeyahay in doorashada soo socta ay dowlada Farmaajo soo rogaal celiso, iyadoo la adeegsanaayo Xildhibaanada BF ee ka imaan doona maamul Goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani ayaa mirro dhalkiisa muuqan doona xiliga doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia sanada 2020, waxaana laga sii baaran dagayaa in Hogaamiyayaal mucaarad ah ay kasii taliyaan maamul Goboleedyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com