Maxaa kasoo baxay kulankii ay Xildhibaanada Galmudug ka yeesheen Khilaafka Hogaanka maamulka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa si adag uga hadlay Khilaafka ka dhex aloosan Hogaamiyaha maamulka, Ku-xigeenkiisa iyo Guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanada oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa marka hore ku baaqay in la qaboojiyo Khilaafka ka dhashay taageerida xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in xiligaan uu Khilaaf ka dhex dhasho Hogaanka maamulka ee cusub.

Xildhibaanada ku shiray magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabo lagu kala saari doono Hogaanka maamulka ee uu ka dhexeeyo Khilaafka, waxa ayna ku baaqen in xal degdeg ah laga gaaro Khilaafka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inay khaldan tahay go’aanka uu Hogaamiyaha maamulka ku taageeray Xulafada Sacuudiga, iyadoo aan lala tashan Golayaasha uu leeyahay maamulka.

Waxa ay sheegen inay ayidayaan go’aankii hore ee dowlada Somalia, kaa oo ahaa in dhex dhexaad laga noqdo Khilaafka Khaliijka.

Geesta kale, waxa ay qaarkood isla fahmeen in Siyaasada dibadda ay tahay mid khuseysa dowlada Somalia, sida uu dhigaayo Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com