Maxaa kulmiyey buuqa madaxtooyda & boorarka Boosaaso? (Xog iyo Sawirro)

Asalaamu Calaykum

Dhamaan umadda Soomaaliyeed waad salaaman tihiin siiba inta Horumarka iyo Nabada jecel.

Salaan kadib, waxaa baryahan la hadal hayey khilaafka Madxawyanha iyo Ra’iisul wasaaraha. Waxaa dadka qaar shaki ka qabeen in Madxawyne Xasan Sheekh qaldan yahay oo hawshii Ra’iisul wasaaraha soo fara-gliyey, halka qaar ay aaminsanaayeen in Ra’iisul wasaaruhu wado daandaansi siyaasadeed oo cirbadda qarandumiska ay reer Putland ku soo dureen.

Shalay sheekadu way soo dhaaftay Wasiir Faarax ama Sambaloolshe ayaa labadalay, Ilaahay xaqa waa u hiiliyaa mar kasta. Ninki aminsanaa in Madaxwayne Xasan Sheikh qaladanaa ha ku quusto Boorarka Bosaaso iyo halkudhigyadii ku qornaa oo ah erayadii ra’iisul wasaare Cabdi Weli ku hadaaqay markii madaxweyuhu diiday isku shaandhayntii daandaansiga ahayd.

Ninkii caqli leh waa fahmi karaa haddaan C/Wali suntii qabiilka Puntland lagu soo mudin, maxaa isku mid ka dhigay hadalki C/Wali oo ahaa “Waa in laga gudbaa Nin jeclaysi am koox jeclaysiga” iyo hal ku dhigyada ku qornaa boorarka ay wateen dadkii qiirada qabiil lagu soo abaabulay ee shalay ku banana baxay magaalada Bosaaso. Waa ilaahay mahadii in Madaxwayne Xasan Sheikh oo ay xaaladu ku xun tahay ay reer Putland u maraqaati kaceen, caddeeyeenna in talada C/Wali ay iyagu u soo dhiibeen oo ah in la bur buriyo Dowladda iyo Qarnimda Soomaaliya.

Dawladda Xasan Sheikh bilihii u danbeyey horumar la taaban karo ayey gaartay, xaga Siyaasadda Dibada iyo amniga. Waxaa taas qiray beesha caalamka, waxaad moodaa in C/Wali uu ku dhacay dabinkii reer Puntland ay u dhigeen. Cabdi Weli xisaab qaldan ayuu isku dhuftay, malaha waxa uu is yiri “Beesha caalamka iyo Xildhibaanada beelaha Daarood ayaa ku taageeri doona”, waxa uusan ogeyn xitaa hadii Madaxweynuhu dhaco inuusan ka hareyn. Dadka qaar waxa ay rumaysan yihiin sooryadii Puntland lag soo siiyey ayuu xalaalaysanaayey iyo balanqaadkii la yiri Jubaland ayaa madaxwayne ka noqonyasaa.

Guntii Iyo Gabagabadii waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Madaxwyne Xasan Sheikh, taas oo ku saabsan samirka iyo dulqaadkiisa badan, si looga baxao dhibka haysta umada Soomaaliyeed. Cabdi Wali mar hore ayuu daandaansiga billaabay, waxa uu eryey Wasiirkii Amniga C/Kariin Guuleed, talihii Nabad-sugida Sanbaloolshe iyo Sarakiil badan. Maanta waxa uu u soo dhigtay Labadii wasiir ee Xasan isugu dhawayeen waa Faarax iyo Mahad Salaad.

Haddaba, haddaysan is ogeyn Cabdi Weli iyo Puntland, Buuqii Madaxtooyada iyo Boorarka Boosaaso maxaa kulmiyey?

boosaas1boosaas2boosaas3

W/Q: Maxamed Warsame
Mwarsame2011@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid