Maxay DF ka tiri dilalka bareerka ah oo ciidamadu ay u geysanayaan Shacabka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga ee DFS ayaa digniin culus kasoo saartay dilalka ay ciidamadu u geysanayaan dadka shacabka ah.

Warbixin kasoo baxday Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada hubeysan ee ka tirsan dowlada ay dilal bareera u geystaan dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si ganbasho la’aan ah ugu xadgudbaan dadka shacabka ah, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cida falkaasi lagu helo.

Warbixinta Wasaarada waxaa lagu muujiyay in labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal bareer ah oo ciidamada dowladu ay la eeganayeen dadka shacabka ah sida kuwa ka shaqeysta Mooto Bajaajka iyo kuwa wata gaadiidka raaxada.

Nuqulkamid ah digniinta Wasaarada ayaa waxaa lagu yiri ”Wasaaradu uma dulqaadan doonto talaabooyinka ay qaadayaan ciidamada la socda gaadiidka shaqsiyaadka iyo kuwa ciidankuba in si bareera ay u dilaan dadka shacabka ah ee isticmaala wadooyinka”

”Sharciga ayuu marayaa Askarigii ku xadgudbo dadka shacabka ah iskaba daayee inuu geysto dil”

Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalo Nabad ah, iyadoo mararka qaar la arko ciidamo ka tirsan dowladda oo si naxariis darro ah xabado ugu furaya dad shacab ah, gaar ahaan marka ay waddooyinka furanayaan ama ay arkaan gaadiid ay ka shakiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com