Musharax Yaasiin Maaxi Macalin oo shaaciyey inuu tanaasulay

Musharaxa madaxweeynaha Dawlada Federalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha xisbiga SSUP Mudane Yaasiin Maaxi Macalin aayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2017-01-28 ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka musharaxnimada madaxweeynaha DFS oo la filaayo 8 Feb 2017 ineey ka dhacda Magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Mar uu u waramaaeyey warbaahnita ayuu wuxuu yiri: Marka hore waxaa mahad leh Alle sw marka xigana waxaan u mahad celinayaa xubanaha Xisbiga SSUP iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed oo igu rtaageertay markii hore inaan ka mid ahaado Musharaxiinta u tartameeysa tartanka madaxweynaha dawlada federalka ee Soomaaliya 2016.

Markii aan iska aragnay tashina aan la sameeyey xubnaha xisbiga, xubnaha garabka dhalinyarada xisbiga SSUP, xubnaha garabka Haweenka xisbiga SSUP, xubnaha xisbiga dawlad goboleedyada dalka iyo xubnaha xisbiga SSUP ee baarlamaanka dawlada federaalka ugu jira xisbiga ayaan waxaan isla garanay ineeysan munaasab aheeyn in waqtiga hada la joogo ka qayb qaadan tartanka doorshada sababo dhowr ah balse aan ku soo koobayo Arimaha musuqmaasuqa iyo ineeysan doorashadu ahayn kuna dhici doonin si fur-furnaaasho iyo cadaalad ah.

Wuxuu xisbga SSUP la qabaa shacabka Soomaaliyeed oo rajo xumo ka muujiyey xagga arimaha nabad galyada, siyaasada, arimaha bulshada, dhaqanka iyo xagga dhaqaalahaba. Balse Gudoomiyaha Xisbiga SSUP wuxuu rajo xumadaas iyo niyad jabkaas ku tilmaamay inaay barwaaqo iyo nabad galyo ka danbeen doonto haduu hadii aay bulshada Soomaaliyee gacmaha isqabsato midnimana muujiso.

MIDNOMADU WAA HUBKA UGU WANAAGSAN OO AAN KAGA HORTAGI KARNO QABYALADU ayuu si qiira leh ku yiri Gudmoomiye Maaxi Doorashada ayaan ka harnay taasu macnaheedu maaha meel ayaan ka fadhiisaneeynaa arimaha Siyaasda. Xisbiga SSUP wuxuu balan qaaday inuu bulshada kala qayb qaadan doono haduu Alle yiraah in dalka iyo dadka soomaaliyeed la gaarsiiyaa inay si xor ah u doortaan hogaankooda, si loo gaaro nidaam ku dhisan xukun wanaag , hufnaan iyo howlkarnimo iyo daacad insha Alaah 2020.

Tankale mustaqblka waxaan rajeyneynaa inaan Hogaanka dalka uu qabto xisbiga SSUP, waayo dalka xaq ayuu nagu leeyahay, sidaa darteed waxii haatan ka dabneeya kuma fiirsan doono xaalka sida uu haatan yahay, waxaana qaadi doonaa tilaabo kasta oo wax wanaajineyso isla markaana ay kujirto danta Diinta Dalka iyo Dadka soomaaliyed.

Degso fileka oo warsaxaafadeedka oo PDF ah

Guul iyo Gobonimo. Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.(SSUP). Yaasiin Maaxi Macalin.