Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay xayiradii Farmaajo uu saaray Shariif iyo Xasan

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay talaabooyinkii ka dhanka ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalka, ee muddooyinkii u dambeeyay ay qaadeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Farmaajo oo aan xukumin Villa Somalia uu rabo in uu xayiraado saaro socdaalada Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Biixi ayaa talaabooyinkaasi ay dowladda Farmaajo ugu xanibeyso garoonka diyaaradaha madaxweynayaashii hore ee dalka ku micneeyay kuwa aan xataa dhaqan Siyaasadeed iyo Soomaaliyeedba aan shaqo ku laheyn.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay weeraro ay dowladda Farmaajo ay ku qaaday Somaliland, markii ay xilka la wareegtay iyo ilaa haddaba, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ku curyaaminaysay horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Farmaajo ku eedeyay in uu dhaqaalaha caalamku uu ku taageero dowladda Soomaaliya uu u adeegsado burburinta maamulada ka jira dalka, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda.

“Maanta Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way xirtaa waad arkeysaa halka la maraayo iyo Qaraxa ka taagan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Puntland maanta waad arkeysaan dhibkaas oo dhan waxaa wadda dowladda Farmaajo laakiin wali way ku jirtaa tababar oo waxay kusoo wajahan tahay Somaliland”.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

 

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa