Muxuu Farmaajo ka yiri wararka sheegaya inuu daneyn doono arrimaha qabiilka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya inuu dadka ku kala sooco qabiil.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inaanu jirin cid gaara oo uu kusoo dhaweysanaayo qabiil ama uu ku nacaayo, waxa uuna cadeeyay inuu yahay Madaxweyne Soomaaliyeed.

Farmaajo wuxuu sheegay inuusan jiri doonin ruux uu ku fogeynaayo qabiil, islamarkaana dadka Somaliyed ay yihiin kuwa u siman.

Farmaajo waxa uu soo hadal qaaday qaabkii lagu soo xulay Wasiirada cusub ee xukuumadda Kheyre, wuxuuna sheegay in wasiirada waxa ugu horreeyo ee uu u sheegay ay tahay ineysan qabiil matalin oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan xilka loo dhiibay.

”Arrinta qabiilka horay ayaan uga afeeftay waxaan Wasiirada kusoo xulay karti ee kuma aan xulin qabiil si gaara loogu roonaanayo, mana aqbali doono in Wasiir la magacaabay uu reerkiisa soo dhaweysto”

Waxa uu Madaxweynaha sheegay in shaqsi ahaan isaga aanu jiri doonin cid uu qabiil ku soo dhoweysto ama qabiil uu ku fogeeyo, wuxuuna sheegay inuu yahay madaxweyne Somaliyed oo aan qabiil lahayn, una dhaxeeya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Intaas oo wasiiro ah waan la hadlay waan la fariistay, waxaan u sheegay qabiil ma matalaan, qabiil qofkii rabo inuu ma talo waa inuu noqdo kaabo qabiil, haddii uu rabo inuu dowladdaan ka mid noqodo wuxuu matalaa wasaaradaasi, wuxuuna u matalaa umadda Soomaaliyeed”

”Qof dowladdaasi ku jira ama magac leh oo aan ogahay inuu umaddaasi shilin ka qaato waxaan idiin ballanqaadayaa ineysan dhici doonin, waxa aan ballanta ku qaaday oo dadku igu taageereen waxaa kamid ahayd cadaaladda, waxaan idiin sheegayaa anaa ugu horreeya oo madaxweynaha ah anigu qabiil ma lihi”

Farmaajo ayaa sheegay in shaqsiga wadaniga ah ama Soomaalida jecel uu mar waliba u yahay walaal waxa uuna meesha ka saaray inuu soo dhaweysan doono reer gaara.

Dhinaca kale, Shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda cusub ee hoggaanka uu u hayo Madaxweyne Farmaajo waxa ay ka sugayaan isbedallo dalka uu galo iyo horumar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com