Muxuu yahay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan Cali Cabdullaahi Cosoble?

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dowladda Soomaaliya oo dhawaan Wafdi wasiiro ah u dirtay Magaalada Jowhar ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto arrintaan, kadib markii ay wafdigaas dowladda Soomaaliya u gudbiyeen natiijada wixii ay kusoo arkeen Jowhar iyo cidda garta leh.

Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Amniga, Arrimaha gudaha iyo Waxbarashada waxay xalay warbixin siiyeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, iyadoo Muqdisho uu yimid guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo isna kulan la qaatay madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online  Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay si cad u taageerto xil ka qaadistii Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo wafdigii wasiirada ay soo xaqiiqsadeen in xildhibaanada iyo golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ay raacsan yihiin xil ka qaadista Cosoble, isla markaasna aysan macquul aheyn in laga hor imaado rabitaankooda.

Wafdigga dowladda ayaa la kulmay dhammaan dhinacyada is haya waxaana dowladda Soomaaliya usoo cadaatay inay kaliya Cosoble taageersan yihiin ilaa 4 Xildhibaan oo kamid ah ay yihiin Wasiiro.

markii ay wafdigaan kasoo tageyn Magaalada Jowhar ayaa waxaa waraaq soo saaray Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cosoble kaasoo sheegay in afgembi sharci darro ah uu ka dhacay magaalada Jowhar, isagoo ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wararkii ugu dambeeyey ee Caasimadda Online heshay ayaa xaqiijinayo inay dowladda go’aan cad ku gaartay inay taageerto xil ka qaadistii lagu sameeyey Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cosoble.