Vidic oo garoomada kusoo laaban doona kulanka Sunderland.

Sir Alex Ferguson ayaa huba inuu Kabtan Nemanja Vidic uu diyaar u noqon doono kulanka isbuuca dhamaadkiisa ay ciyaareyso Manchester United.

Katanka ayaa dhaawac ku maqnaa ilaa 19kii September waxaana usii raacay qaliinkii jilibka laakiin wuxuu soo laaban karaa kulanka Sabtida.

Jonny Evans ayaa laga saaray kulankii Axada Manchester derby ka dib dhaawac feysha ah shaki weyn ayaana ku jira kulanka ay la ciyaarayaan Sunderland.

Laakiin Ferguson ayaa aaminsan inuu Vidic diyaar noqon doono ka dib 16-bilood oo dhaawacyo ah, uuna kabo daafac aan raasumaalka laheyn ee kooxda heysa hugaanka Premier League.

Tababaraha United ayaa yiri: “Waxay aheyd wax waali oo kale ah inuu noo ciyaaro kulankii City laakiin kulanka Sunderland… waa hubaal.”

Ferguson ayaana sheegay inay soo laabashada ciyaaryahanka u dhashay Serbia ay tahay wax lagu farxo.

Vidic ayaa muddo dheer garoomada ka maqnaa wuxuuna soo laabtay bilowgii xilli ciyaareedkaan laakiin dib ayaa loo qalay iyadoo uu sababsanaayey dhaawacii soo gaaray kulankii ay United bishii December la ciyaartay kooxda Basel.