Nin madaxa looga jiray oo maanta isku qarxiyay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin madaxa looga jiray ayaa maanta isku qarxiyay xaafadda Aargada ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa oo arkayey markii uu ninkan is qarxiyey.

Qaraxani ayaa ka dhashay Bam uu watay ruuxa waalan waxaana ku geeriyooday keliya ruuxaasi xili uu ku cayaarayay Bamka.

Ruuxaani waalnaa ayaa ku geeriyooday Qaraxa, waxaana aad u jarjarmay dhammaan jirkiisa.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta buux dhaafiyay ciidamada dowlada oo aad ula yaabay halka ruuxaasi madaxa looga jiray uu ka keenay Bamka.

Maamulka Degmada Wadajir, ayaa sidoo kale ka gaabsaday Qaraxa iyo halka ruuxa madaxa looga jiray uu ka keenay.

Geesta kale, waxaa shaki laga muujinayaa in ruuxaasi loo soo dhiibay Bamka, balse aan laga gaarin dantii laga lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com