Puntland oo si adag ugu hanjabtay dowlada Federaalka ah ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa si caro leh uga hadlay haddal dhawaan kasoo yeeray Xukuumada Somalia, kaa oo ahaa in Puntland ay fashilisay shir ka dhici lahaa Jasiiradda Siishalis.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland, C/nuur Cilmi Nuur ”Biindhe”, ayaa sheegay in Puntland ay go’aan cad ka qaadan doonto Xukuumada Somalia.

Biindhe, waxa uu ku goodiyay inay jarayaan xiriirka kala dhexeeya Wasaarada Kalluumeysiga XFS, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay ka gudubtay xadkii loogu tallo galay.

”Waxaan xaqiijinayaa in ficilka Wasaarada Kalluumeysiga ay sabab u noqon doonto inaan dib ugu laabano go’aanadii nalooga bartay ee gooni isku sooc”

Waxa uu sheegay in Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uu ka been sheegay Puntland kuna sheegay in ay fashilisay shirkii ka dhacay Jaziirada siishalis.

Sidoo kale, waxa uu Biindhe hadalkiisa intaas raaciyay in Puntland ay tahay mid jecel dadka Somaaliyeed taas oo cadeyneysa in dhamaan dadka kala duwan ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin degaanadeeda.

Haddalka kasoo yeeray Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan Wasiirka Kalluumeysiga XFS uu shaaciyay in Puntland ay si kutalo gal ah u fashilisay shirka ka qabsoomay Jaziirada siishalis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com