Qoys caan ka ah magaalada Muqdisho oo la laayey iyo lix qof hal mar la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Calamada oo u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Xaawa Cabdi, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi lagu laayay dad la socday gaari yar.

Weerarkan ayaa maanta ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee magaalada Muqdisho, halka lagu magacaabo Xayaat, waxaana la sheegay in kooxda weerarka ku qaaday wiilasha ay wateen Gaari yar, iyagoo si weyn u hubeysnaa.

Dadkaan oo ka yimid qabuuraha deegaanka Calamada halkaasi oo lagu soo aasay qof geeriyooday ayaa la sheegay markii ay soo laabteen gaarigii ay la socdeen in lagu hor gooyay gaari kale, kadibna rasaas lala dhacay.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa geeriyootay oo dhamaantood isku reer ah, gaar ahaana ay kasoo jeedaan Reer Xaaji Gaabow, Xaaji Gaabow waa nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan waxaa aad looga yaqaanaa Degmada Dharkiinley, halkaasi oo uu ku leeyahay Dabaq weyn oo ganacsi, laguna magacaabo Xaaji Gaabow.

magacyada dadka la laayay ayaa waxay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Xaaji Gaabow, Cabdi Xaaji Gaabow, C/jabaar Xaaji Gaabow iyo Maxamed Yare.

Xaaji Gaabow ayaa ah ganacsade si weyn looga yaqaan Muqdisho, waxaana loogu magac daray Madiino daar uu ku leedahay oo la yiraahdo (Xaaji Gaabow) halkaas oo ah meel caan ah isla markaasna isku badashay Xaafad.

Ilaa hadda lama ogo cidda ka dambeyso weerarkaas, balse dadkii la socday ayaa la xaqiijiyey inuu weerarka ka dhacay meel siinka dheer u jirto 100 Tallaabo, waxaana xusid mudan inay halkaas dagan yihiin Ciidamada Nabadsugidda Dowladda oo ku fashilmay inay weerarkaaan ka hor tagaan ama xataa soo qabtaan kuwii geystay.

Weli dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin falkaan lagu laayey qoyskaan caanka ka ah Magaalada Muqdisho, waxayna noqotay mid saameyn iyo hadal heyn weyn ku yeelatay guud ahaan Muqdisho.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII