Raila Odina oo war cusub oo yaab leh ku dhawaaqay (Maxaa beri ka dhacaya Kenya?)

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa jawaab adag ka bixiyey baaqyadii caalamka uga imanayey ee ahaa in uu aqbalo natiijada doorashadii todobaadkii hore dhacday ee uu muranku ka taaganyahay guushu se ku raacday madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Fagaare ku yaalla xaafadda isku raranta ah ee Kibera oo ku taal magaalada Nairobi, ayaa dad iskugu soo baxay waxa Odinga iyo mid ka mid ah saraakiisha sarsaree xisbigiisu ugu baaqeen taageerayaasha mucaaradka in aanay shaqo tagin berri oo Isniin ah.

“Berri waa inaan muujinaa dareenkeena, qof walba oo Kenyan ah yuusan shaqo tagin” ayuu yiri Odinga.

Senator James Orengo ayaa yidhi dadku waa in ay u dhego nuglaadaan baaqa mucaaradka ee ah isu soobaxa nabadgelyo, sidoo kalena waxa uu sheegay in warbaahinta maxalliga ahi aanay runta ka sheegayn sidii doorashadu u dhacday.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ilaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada lix iyo toban qof lagu dilay goobaha ay ku badanyihiin taageerayaasha mucaaradka ee ku yaal magaalada Nairobi iyo galbeedka wadanka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
caasimada@live.com