R/W Kheyre oo hal arrin oo muhiim ah uga digay wasiirka maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia uga digay in xuquuq la’aan la dhigo Shaqaale ka tirsan dowlada Somalia.

Kheyre oo kulan Khaasa la qaatay Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ku wargaliyay in laga taxadaro inuu soo gaaro dacwad ku aadan xuquuq la’aan mudada uu hayo Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Cabdiraxmaan Ducaale Bayle u sheegay in bil waliba uu sameyn doono kormeer uu ugu kuurgalaayo tabashooyinka shaqaalaha dowlada si loo helo macluumaadka ku aadan bixin la’aanta mushaaraadka.

Waxa uu Kheyre sheegay in sidoo kale Wasaarada lagula xisaabtami doono halka ay ku bixiso lacagaha ku jira qasnada dowlada, iyadoo la sameyn doono dabagal buuxa, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa la sheegay in Xafiiskiisa uu gaaray dacwad ay gudbiyeen Shaqaale ka tirsan Xarumaha dowlada kuwaa oo aan lasiin xuquuq rasmi ah, balse isagana lagu wargaliyay in dhammaan shaqaalaha lasiiyay xuquuq.

Xukuumada Somalia ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu amaanaa inay tahay Xukuumad kaduwan kuwii hore, waxaana xusid mudan in tan iyo markii la sameeyay Xukuumada si rasmi ah shaqaalaha dowlada u helaan xuquuq.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u ballanqaaday bixinta xuquuqaadka shaqaalaha dowlada oo joogta ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com