Sacuudiga oo shuruud adag ku xirtay inay go’doonka ka qaado dalka Qatar

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga iyo xulafadooda ayaa weli cuna qabateyn dhinac kasta ah ku hayo dowladda Qatar ee islaamka ah, waxaana jiro baaqyo iyo dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in lagu xaliyo Khilaafka dowladaha Khaliijka ah kaasoo gaaray heer aan marnaba la fileyn.

Kadib markii dowlado badan oo ay ugu dambeysay Mareykanka ay cadaadis ku saareyn Sacuudiga inay joojiso xiyaraada ay saartay Qatar, ayaa waxay hadda Sacuudiga miiska soo saartay shuruud adag oo ay Qatar ku xireyso si cuna qabateynta looga qaado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa ka dhawaajiyey si loo joojiyo go’doonka Qatar in looga baahan yahay inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay joojineyso garab siinta argagixisada sida uu hadalka u dhigay mar uu wareysi siinayey BBC.

Dowladda Sacuudiga ayaan weli miiska soo saarin qodobo iyo caddeymo ku aadan eedeynta ay u jeedisay dowladda Qatar taasoo keentay Khilaafka.

Dowladda Qatar ayaa inkirtay oo wax kama jiraan ku tilmaamtay inay kaalmeyso argagixisada, midaasna ay tahay marmarsiiyo iyo dano siyaasadeed oo ay dowladaha Khaliijka ka doonayaan Qatar.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar, waxaana hadda muuqato in Sacuudiga iyo xulafadeeda uu cadaadis xoog leh soo fuulayo.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha, marnaba macquul ma noqon doonto inay Qatar ku dhawaaqdo inay joojineyso garab siinta ururada Jihaad doonka ah iyo walaalaha Falastiin, waxaana hadda muuqato inay garab weyn ka heleyso dowlado awood badan sida Turkiga iyo Iiraan.