Safiirka Imaaraadka oo bilaabay galaangal iyo kulamo uu la yeeshay sedaxda mas’uul

Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamad Axmad Al Cuthmaan, kulankaasi oo uu dalbaday safiirka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, xaaladda abaaraha iyo khilaaf mudooyinkan soo shaac baxay oo ku saabsan xiriirka labada oo mugdi sii gelatai.

Kulankaan oo safiirka Imaaraadka uu codsaday in uu noqdo mid albaabada u xiran oo gaar ah u ah madaxweynaha iyo safiirka ayaan la ogeyn waxyaabaha hoose ee looga hadlay, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in safiirka uu ka dalbaday madaxweyne Farmaajo in mooshinka baarlamaanka ka diyaarinaayo heshiiska Berbera ee saldhiga milateri ay madaxda sare hoos u dhigaan dibna u gegaan xaalada.Dhanka kale, Safiirka Imaaraadka ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulamadaasii oo ahaa kuwo midba mar uu safiirka ula kulmay ayaa xoogga lagu saaray sidii meesha looga saari lahaa mooshinka ay xildhibaanada qaar wadaan ee heshiiska saldhiga Berbera.Dadaaladaan baarlamaanka ku doonayo inuu sharci ahaan dib u eego ayaa la ogeyn inuu noqon doono mid mira dhal noqda iyo in Safiirka Imaaraadka uu ku guuleysto inuu madaxda sare dalka aamusiyo.