Sawirro argagax badan: Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay dalka Pakistan

Pakistan (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday Gaari nooca waaweyn ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kapul ee Caasimadda dalka Afghistaan.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafad lagu magacaabo Dehbori oo ay ku badan yihiin dadka Shiicadda ah.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday goob mashquul badan oo ay ka agdhawaayen Saldhigyo ciidan.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 35 qof, halka ay ku dhaawacmeen 46 qof oo shacab ah.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in Qaraxa uu kamid ahaa Qaraxyada ugu culus oo ka dhaca dalka, kuwaa oo inta badan loo adeegsado Qaraxyo loo isticmaalay kiimiko halis ah.