Sawirro: Askar ka tirsan dowladda oo arrimo yaab leh loo xukumay

Baydhabo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay, ayaa maanta Xukun ku riday Askar ka tirsan Dowlada, kuwaa oo lagu helay kiisas kala duwan.

Laba kamid ah Askarta xukunka lagu riday ayaa ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, halka midka soo harayna uu kamid yahay ciidamada Booliska.

Maxkamada ayaa Laba kamid ah Askartaasi ku eedeysay inay ka talaabeen sharciga ciidanka isla markaana ay amar la’aan u shaqo tageen Difaaca Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Maxkamada ayaa sidoo kale, Askariga Seddexaad ku eedeysay in si xatooyo ah uu ku iibsaday qoriga iyo booshashka uu ku difaaci lahaa shacabka.

Sidoo kale, Maxkamadu waxa ay xukunka kadib ku dhawaaqday in dib xoriyadooda loo siiyay Labo Askari oo lagu eedeeyay in dilal ay ka geysteen gudaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay kadib markii la waayay marqaati fur.