Sawirro cajiib ah: Farmaajo oo sharfay wiilkii tartanka qur’aanka Tanzania kusoo guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdilaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka galay tartanka Qur’aanka kareemka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magalada Daara-salaam.

Maxamed Cabdullahi oo ah wiil Soomaaliyeed oo 12 sanno Jira ayaa ku guuleystay tartanka Quraanka Kariimka ee dalka Tanzania, isaga oo galay kaalinta koobaad ee tartanka 30-ka Jus ee Quraanka Kariimka.

Tartankan oo lagu qabtay qaroonka kubadda cagta ee Uhuru Stadium ee magaalada Dar es Salaam, ayaa waxaa ku tartamayey dhallinyaro ka kala socday wadamada Muslimka.

Wiilkan da’da yar ee dalka iyo dadka Soomaaliya u soo hooyey guushan qaaliga ah ayaa waxaa la siiyey abaalmarin dhan Sh1 million oo u dhiganta $7000 oo dollar.

Qaabiladda madaxweyne Farmaajo ee Maxamed ayaa dhiir-gelin weyn waxay u tahay isaga iyo dhammaan ardayda kale ee dalka Soomaaliyeed, waxaana wejigiisa ka muuqatay farxad badan markii uu madaxweynaha qaabilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com