Sawirro: Maxaabiistii laga soo daayey Ethiopia oo Muqdisho laga soo dajiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo cago dhigatay diyaarad maxaabiis Soomaali ah ka soo qaaday dalka Ethiopia.

Maxaabiistan, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad Cumar, Safiirka Somalia ee dalka Ethiopia iyo Safiirka Ethiiopia ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa wuxuu Suxufiyiinta ku wargeliyay inaysan wax su’aalo ahi weydiin karin maxaabiistaasi.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in maxaabiistani ay tahay kuwii ay Dowladda Itoobiya ku soo wareejisay Dowladda Somaliya, ka dib heshiis ay labada dowladood ku wada gaareen Magaalada Addis Ababa.

Tirada Maxaabiista laga soo dejiyay Muqdisho ayaa dhan 114 qof.