Sawirro: Ninkii labaad ee weerarkii tareenka London ka danbeeyay oo gacanta lagu dhigay

London (Caasimadda Online) –Ciidamada booliska oo kaashanaaya kuwa la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen xaafada Hounslow ee galbeedka London kusoo qabtay nin kale oo lala xiriirinayaao inuu ka danbeeyay weerarkii jimcihii ka dhacay Station-ka tareenada Parsons Green.

Ninka la qabtay oo booliska da’diisu ku sheegeen 21 sano jir ayaa lagu eedeeyay xeerka argagixisada, waxaana lagu hayaa saldhiga booliska ee koonfurta magaalada London.

Weerarkii dhacay jimcihii ayaa waxaa ku dhaawacmay 3o qof, xili dadku u cararayeen shaqooyinkooda.

Booliska ayaa si xoogan u wada baaritaanada la xiriira falkaan, iyadoo sidoo kale saldhigyada tareenada iyo goobaha dadku ku badan yihiin la dhigay ciidamo dheeri ah.