Sawirro: Qarax lagu la’day oo ruxay magaalada Manchester ee UK

Manchester (Caasimada Online) – 19 qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dilay, islamarkaana 50 kale lagu dhaawacay qarax ka dhacay xarunta Manchester Arena ee magaalada Manchester ee dalka UK, sida ay sheegeen booliska.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay maqleen laba qarax oo waa weyn, xilli xarunta ay ka heeseysay gabadha Mareykanka ah ee Ariana Grande oo bandhig halkaas ku qabatay.

Booliiska Greater Manchester ayaa xaqiijiyey in dhimasho badan ay jirto, dhaawucuna badan yahay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada, hase yeeshee cutubka ka hortagga argagixisada ee North West Counter Terrorism ayaa sheegay inay u badinayaan in weerarkan uu yahay fal argagixiso.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay baarayaan suurta-galnimada ah in weerarka uu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Xarunta Manchester Arena waa xarunta ugu weyn ee xafladaha lagu qabsado ee magaalada Manchester, waxayna qaadaa 18,000 o qof.

Ariana Grande waa gabar 23 jir Mareykan ah oo heesta, waxaana aad u jecel dhallinyarada.