Sawirro: Qoys ka soo jeeda Bay iyo Bakool oo gabar yar ay dhaleen si naxdin leh loogu dilay Laascaanood

Aabaha dhalay gabadhaan yar oo lagu magacaabo  Yaxye Muudey ayaa si naxdin leh ugu hadlay gabadhiisa yar oo seddax jir aheyd, taasoo guriga laga waayay, markii danbana la helay meydkeeda iyadoo qabta dhaawacyo qoorta ka muuqda.

Warar is-diidan ayaa kasoo baxaya falkaan laga argagaxo ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo dadka deegaanka dhacdadaan shaku iyo welwel badan ku abuuray.

Waxay dadka deegaanka sheegayeen in la qashay gabadhaan oo dhiiga laga jiqay maadaama qoorta ugu yaalaan dhaawacyo, halka arrintaasi booliska beeniyeen.

Qoyskaani oo kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ayaa Abaahaa gabadhaan sheegay in gabadhiisa habeenkii maqribkii la waayay, subaxdiina la helay meydkeeda.

Laamaha amniga ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo cidii falkaan fooasha xun ka danbeysay.