Shil diyaaradeed oo khasaaro geystay oo ka dhacay Kenya

Nairobi (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 5 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay Gobolka Nakuru ee dalka Kenya sida ay qorayaan Warbaahinta dalkaasi Kenya.

5-ta Qof ee dhimatay ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen Kooxda Ololaha Haweeney ka tirsan Xisbiga Jubilee, waxaana ay xilligaas ku sii socdeen isu soo bax uu lahaa Xisbiga kaas oo la filaayo in uu ka qeyb galo Uhuru Kenyatta.

Raggan ayaa la sheegay in xalay ay Hotel ay degganaayeen kaga baxeen Gaari, saakana iyaga oo cabsan ay soo laabteen kaddibna qaateen Diyaarad iyada oo ay kula dul dhacday Harada Nakuru.

Waxa ay ka mid ahaayeen 100-ka Qof ee Haweeneyda lagu magacaabo Susan Kihika, wakiilka uga ah ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee, waxaana hadda la xaqiijiyay geeridooda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in markii saaka ay diyaaradda dhaceysay ay ku socotay joog hoose, islamarkaana loo maleynaayo inay ay geed ku darsatay sidaasna ku dhacday.

Kooxda Gurmadka deg degga ah ayaa laga sugaayay in ay ka baxaan Mombassa oo ay ka gaaraan hayeeshee waxaa ay tageen 3 Saacadood kaddib taas oo sii murjisay in dadkaas la badbaadiyo.

Saraakiisha Gobolka waxaa ay sheegayaan in cilladda dhabta ah aan wali la ogaan lana raadinayo, Nin ogaa markii ay Hotelka ka baxayeen ayaa sheegay in Raggan iyag oo cabsan ay diyaaradda raaceen isagana markaas uu u arkayay in ay wax badan ka qaldan yihiin.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com