Siilaanyo oo magacaabay ergayga maamulkiisa u qaabilsan wada-hadalka DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa wareegto ku magacaabay Ergayga maamulkiisa u qaabilsan wadahadalka dowlada Federaalka kala dhexeeya maamulka Somaliland.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka ayaa waxaa lagu maacaabay Marwo Adno Aadan Ismaaciil oo noqon doonta Ergeyga Gaarka ah ee maamulka Somaliland u qaabilsan Waddahadalada DFS iyo maamulka Somaliland.

Ergayga cusub Marwo Adna Aadan Ismaaciil ayaa horay u soo noqotay Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland waxaana la sheegay in ay tahay qof ay ku weyn tahay qadiyadda Somaliland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

 

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;

Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa

Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;

Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday

In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
Caasimada@live.com