SIR-FAKATAY: Qorshihii Soviet-ka ee burburinta dowladaha & akhlaaqda shucuubta + Video

Yuri Bezmenov waa magaca ninka soo jeedinaya barnaamijkaan waxaa sidaasi oo kale lagu magacaabaa Tomas David, magacaan dambe wuxuu ula baxay ayaa aheyd isaga oo cabsi xoogan ka qabay sirdoonkii midoowgii Soofiyeet in ay ogaadaan halka uu ku sugan yahay kadibna ay qaarijiyaan.

Hadaba Yuri Bezmenov wuxuu caan ku ahaa magaca ah Ninkii baxsadka ka ahaa midoowgii soofiyeet. (Soviet Defector), ninkaan ayaa kamid ahaa maskaxdii ay midoowgii soofiyeet ay ku burburin jireen ama ay kula dagaali jireen  dalalkii ay markaasi is hayeen gaar ahaan dalka maraykana, si aan waxbaddan ugu ogaano ninkaan iyo casharadii uu ka bixiyay dalalka maraykanka iyo kanada ayaan halkaan kusoo koobaynaa, inkastoo aad moodo in dhamaan qoddobadda uu soo qaatay ay maanta ku dhaqamaan waddamada maanta gacanta kula jira arrimaha Soomaaliya iyo soomaalidaba.

Waa maxay Kharibaadda ama burburinta dowladda?

Yuri Bezmenov ayaa waxaa uu casharo baddan ka bixiyay jaamacaddo ku yaala maraykanka, wuxuuna xooga saray sida uu ardaydiisa u bari lahaa sida loo burburiyo dowladaha, isla markaana shacbiga dalkaasi akhlaaqda looga dili lahaa, iyaga oo hogaan looga dhigayo kuwa ugu liita ee iyagaasi kamidka ah, hadaba aan soo koobno fikirkiisa iyo burburinta dowladaha iyo akhlaaqda.

  1. In dhallinyaradda dhaxdooda colaad la dhigo, kadibna qollo walibaa oo kooxdaasi kamid ah loo jiheeyo waxyaabo ay xiiso gaar ah u hayaan, gaar ahaan arrimaha galmadda, miyuusikada, iyo in aad looga fogeeyo diinta, iyaga oo laga dhigayo kuwa liita oo aan si fiican u aqoon diintooda. (Make them superficial and enfeebled.)
  2. In dadka la kala qayiyo, kadibna cadow la isaga dhigo dhaxdooda, iyaga oo isku haysta waxaanan jirin, ama wax ay dad isku qabtaan in ay isku laayaan, hadii la arkana in nabad ay heshiis ku gaari rabaan, mid iyaga kamid ah uu arrintii dab qabadsiiyo si aan loo heshiin ebad.
  3. Burburi dadka Imaankooda (faith), ku ihaanayso iyaga oo ku liid diintooda, ku maadayso, ka dhax abuur kooxo diintaas aqoon u leh, laakiin iyagaasi u tusaya diinta in ay wax wayn ka khaldan tahay, sidaasi darteed ay qaataan diin cusub.
  4. Dadka mar walibaa ugu sheekee dimuquraadiyadda, iyo faa’iida ay leedahay.

Waxbarashadda.

  1. Marnaba caruurta ama jiilka soo kacaya ha barin waxyaabo maskaxdooda kobcin kara, bar iyaga dagaaladda dhaxdooda ka dhacay, gaar ahaan kuwa iyaga qabaa’iladooda ay isku qabteen xilli hore.
  2. Bar iyaga sida loo sameeyo galmadda, adiga oo isku tusaya in aad tahay qof khabiir ku ah arrimaha galmadda iyo caafimaadka, ka dhig iyaga oo dhan kuwa ka hadla arrimahaasi oo kaliya marnaba yeeysan maskaxdooda kusoo dhicin wax iyaga kor u qaadi kara ama hami u yeeli kara.

Burburinta iyo Kala gaynta bulshadda

Hadaba waxaad mooddaa qodobkaan uu ninkaan Yuri Bezmenov uu ardaydiisa ku barayay in maanta inaga si gaar ah inoo haysato hadaynu nahay Soomaali, arrintaasi oo ah mid inagu sii hogaamisay jaahilnimadda harka cad, iyo maangaabnimadda aan loo meel dayin, hadaba maxaa kamid ah arimahaasi.

  1. In bulshadda dhaxdeeda laga sameeyo ururo u shaqeeya bulshadda, laakiin aan shaqadooda dhab aheyn, ujeedkooda ugu wayn ay tahay in ay ku cayaaraan akhlaaqdii iyo sharftii diinta islaamka ama dhaqanka wanaagsan ay dhallinta ama caruurta baraan.
  2. In bulsho walibaa hogaan looga dhigo nin isaga is magacaabay oo aan la ogeyn asalkiisa meesha uu ka yimid iyo aqoontiisa, laakiin la eego oo kaliya aftahanimadiisa, ujeedka ugu wayn ee uu qofkaasi u shaqaynaya ayaa ah in uu kala geeyo bulshadda iyagiina si aan ka fiirsasho laheyn u dabagalaan isagaasi.
  3. In bulshadda laga ilaaliyo in uu kasoo baxo qof waddani ah, ama in ay iyagaasi xiriir samaystaan oo ay wax qabsadaan, taasi oo dhallinaysa in aysanba aqoon mas’uuliyadda saaran.
  4. In la iska horkeeno labaddii deris ah ama isku meel wadda daga iyaga oo la isku tusayo in ay iskuyihiin cadaw, sidaasi darteedna aysanba kala qaadan shay ama xiriir kale.
  5. In dowladda dhaxdeeda lagu samaysto qof aanan la magacaabin hadana awood ku leh bulshadda dhaxdeeda (bureaucracy).

Hadaba hadaan si gaar ah u eegno inaga soomalaidda ah waxaa barnaamijkaan saameynta ah inoogu leh, waa :

  1. Innaga oo isku raacnay in aan ku dhaqano qabyaaladda, midaasina waxaa ay fursad khaali ah u noqotay reer galbeedka una arkeen in waxa kaliya inalgu kala gayn karo ay tahay arrintaasi, waxayna inagu raaceen meeshii aan doonaynay, waana nitaamka Judo ama Marshal Art.
  2. Inaga oo midkeena ugu liita ummada soo hor istaajina halka kii aqoonta lahaana gadaal u dhigta, waxaa habeen iyo maalin lagu faanayo hadaad dib u eegto waa mid aan aqoon laheyn, jaahilnimadda ku dhamaatay, Alle aan ka cabsan.
  3. Dhallinyaradii oo lagu wada jeediyay dhaqanka reer galbeedka, sida heesaha, isqaawinta oo loo qurxiyay looguna magac daray Style.
  4. In Bulshadeena dhaxdood lagu abuuray dad har iyo habeen ka sheekeeya arrimaha galmadda, kuwaasi oo dadka isaga dhigaya quburo takhasus ku ah arrimahaasi galmadda la xiriira, waana waxa maanta loogu baddan yahay daawashadood ama taageristood, iyadoo qaarkeen har iyo habeen usoo fadhiistaan baraha bushadda si ay waxaasi ugu sheekeeyaan.

Hadaba inaga oo aan waqtiga inoo saamaxeyn waxaan inshaa Allaah kusoo koobaynaa halkana qorshayaalkii ay midoowgii soofiyeet ay wax ku qiyaameyn jireen, midaasi oo maanta ay waddamada reer galbeedka ku dhaqmaan gaar ahaan Maraykanka iyo caruurtiisa uu isaga tababaray.