Muudeey, Faraax iyo Khadiija oo isugu soo haray wareegga labaad (Sidee u kala cod bateen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta baarlamanka Soomaaliya waxaa kusoo dhammaatay tirinta codadka wareegga koowaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka.

Wareegga koowaad ayaa waxaa ugu cod batay xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod, waxaana labaad galay Faarax Cabdulqaadir oo helay 95 cod.

Codadka la tiriyey waa skidan:

Xildhibaan Muudeey 111-cod, Faarax Sheekh Cabdiqaadirna wuxuu helay 95-cod. Khadiijo ayaa soo saddaxaysa oo heshay 27 cod, waxaa soo afareeyay Siciid Ciid oo helay 17-cod. Jaylaani Iikar wuxuu helay 4 cod halka macowna uu helay 7.

Maadaamamidkoodna uusan helin 139 cod, waxaa loo gudbi doonaa wareegga labaad ee doorashada, oo ay ku loolamayana Muudeey, Faarax iyo Khadiija.

Waxaa hadda la aaday salaadda duhur kadibna waxaa la bilaabi doonaa wareega labaad ee doorashada.

Dad badan ayaa qaba in doorashadan ay saadaal ka bixin doonto cidda noqon doonta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com