Turkiga talada ka qeyb geliya

Dadka qaar aad ayey ugu adag tahay inay kala gartaan cadaw iyo saaxiib,  dhul gariirki ka dhacay Somaliya oo ahaa kii ugu xumaa uguna xanuunka badnaa waxaa ka soo baxay mawaaqif aad loola yaabo oo ay garan karaan inta garaadka leh ama dareenkoodu ku saleysan yahay wadaninnimo. Madaxda Gobollada waa ku kala duwan yihiin sidey u arkaan arrinta oo qaarkood waxaad moodaa inaysan arrintaani iyaga khuseyn maadaama ay ka dhacday Xamar..qaar kalena waxay muujiyeen shucuur ka duwan  tan hadda aan sheegnay oo xanuunka dadweynaha ay la wadaageen waana caddeeyeen mowqifkooda, halka qaar ay ka aamuseen sida ay uga aamuseen dowlidihi ugu deeqay laaluushka oo arrinta ka dhacday Somaliya aan marna u jixin jixin, xataa tacsi soo gudbin waayay…waa nasiib darro deeq ay ku siiyaan iska dhaafe aan xataa hadal ka weynay..

Dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday isgoyska Soobe waxay noo naqatay dersi aan ku kala baranno wadamada adduunka, siiba kuwa Khaliijka kaddib markii ay xataa taleefan tacsi ah soo diri waayeen, waxayna isku cadeeyeen inay yihiin kuwa dhibaatada nagula haayo qeyb ka ah

Waxaa jira mathal carabi ah oo dhahaaya

ثلا ثة لا يعرف الا بثلا ثة  لا يعرف الشجا ع الا عندالحرب ولا يعرف الحليم الا عند الغضب ولا يعرف الصد يف الا عند الحاجة اليه

Taasoo micnaheedu yahay SEDDAX WAXAA LAGU GARTAA SEDDAX : Geesiga waxaa la gartaa markuu dagaal dhoco, Xaliimka dulqaadba badan waxaa la gartaa markuu xanaaq yimaado, saaxibkana waxaa la gartaa markaad u baahato!!!.

Waxaa aad iyo aad ugu xoogeystay dareenka ummadda Somaaliyeed in dowladda Turkiga ay tahay tan kaliya ee Somaliya saxxib la ah, waxaa soo raaca dowladda Qadar oo noogu deeqday deayaarad diyaar u ah inay qaato dhaawacyada meel kasta oo la geynaayo iyadoo weliba ballan qaaday inay bixineyso kharajka ku baxaaya daaweynta oo dhan.

Wadamadi laaluushka siiyay Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa laga la’ayahay xataa inay ka tacsiyeeyaan dhibki dhacay oo lagu xanto inay qayb ku leeyihiin, iyagoo xataa tacsi u soo diri waayay dowladda Somaliya..dowladaha sidaa u dhaqmaya sideen u taageeri karnaa ama u garab istaagi karnaa mar haddey noo muujiyeen meesha aan ka taagan nahay martabadooda iyo halka ay Somaliya uga jirto jaran-jarada saaxibadood oo ay noo cadaatay inaan uga jirno meesha ugu hooseyesa wax qiimo ahna aanan agtooda ka lahayn,

Talo ahaan waxaan dowladda u soo jeedin lahaa inay kala garato cidda aan isku aamini karno oo an mustaqbalka dalkaan gacan bir ah ku qaban karta, lehna awooda iyo cudud military aysan cidina u babac dhigi Karin.

Dowladda Turkiga ha loo xilsaaro inay ilaaliso xeebeheena laga soo billaabo Jula & Jaway ilaa Lawyo Caddo cid kale oo laga kireyn karaa furdadaha dalka aysan jirin. Dowaladda waa inay barlamaanka FEDERALKA geyso mooshin arrintaan fasaxaya,mana jirto cid ka horimaan karta go’aankan markuu soo baxo. Maanta cid aan tala saran karno waxaa ka jirta dowladda TURKIGA ee ha laga faai’desto intey goori goor tahay.

Hubka lagu gumaadayo dadka waxaa laga soo dejiyaa xeebaha dalka oo ah meelo aan cidina ilaalin…waryaa noo maqan oon sugeynaa inay dalkaan ka taliyaan  arrimihiisana dejiyaan iyagoon cid kale ku halleyn.

Ma jirto dowlad goboleed bixi karta ama kireyn karta furdadaha dalka illaa dowladda dhexe mooyee, go’aanka lagula wareejinaayo dowladda Turkiga waxaa oogolaanaya barlamaanka cid ka hor imaan kartaana ma jirto.  Ma la heli karaa dowlad gesinnimo muujisa ee dalka ka badbaadisa burburka ku soo socda oo ah mid ka weyn inta aan maleyn karno..ALLOW NOO GARGAAR NAGNA BADBAADI BALAAYADA NALOO MALEEGAAYO..ALLAHUMA AAMIIN,

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid