USA oo war aysan xulufada Sacuudiga ku farxin ka yiri dalabyadii ay hordhigeen Qatar

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka jawaabtay dalab ka kooban 13 qodob oo afar dal oo carbeed ay ku xireen in go’doominta laga qaado dalka Qatar.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalabyadaas ay yihiin kuwa ay aad u adag tahay in la fuliyo.

Bayaan uu shalay soo saaray ayuu Tillerson ku sheegay in dalabkan oo ay soo gudbiyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn, ay si kastaba ku jiraan qodobo, haddii laga wada-hdalo dhallin kara xal buuxa oo laga gaaro khilaafka.

“Tallaabada xigta ee miro-dhal keeni karta waa in dhammaan dalalka arrintan ku lugta leh ay wada fariistaan oo ay sii wadaan wada-hadalka” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, kaasi oo xaqiijiyey in Qatar ay hadda darseyso qodobada la hordhigay.

“Waxaan aaminsannahay in xulufadeena ay ku xoog badan yihiin marka ay ka wada shaqeynayaan hal ujeedo, taasi oo ah ka hortigista argagixisada” ayuu yiri Tillerson.

13-ka dalab ee la hordhigay Qatar ayaa kala ah:-

  • Inay xiriirka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
  • Inay si deg deg ah u xirto xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xiriirka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
  • Inay xirto telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.
  • Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xiriirka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceyrsio. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aysan faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
  • Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
  • Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
  • Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
  • Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
  • Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
  • Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
  • Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha kahladan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
  • Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
  • Inay aqbasho baaritaanno iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com