Video: Doorashada Somaliland oo u muuqata in lagu shubtay iyo xisbi kashifay arrin dhacday

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland, wuxuu eedayn dusha uga duuray Guddiga doorashooyinka maamulkaas [NEC].

WADANI, ayaa ku eedeeyay Guddigan inuu la safanyahay garabka Muuse Biixi ee Kulmiyay islamarkaana ay jiraan codad la is-daba mariyay.

Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey.

Sidoo kale waxaa shir saxaafadeedka Xisbigan lagu sheegay inay WADANI uu joojiyay wada-shaqayntiii uu la lahaa Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Sababta wuxuu ku sheegay inay ka jawaabi waayeen cabashooyin horey ay ugu soo gudbiyeen, kuwaasoo ay ku jirto mas’uuliyiin katirsan xisbiga oo la xiray iyo waxyaabo la xariiray tabashooyin ay ka keeneen doorashadii dhacday 13 bishan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli aan wali la shaacin natiijada doorashada sidoo kalena ay dhaliilo ka muujiyeen qaabka ay wax u dhaceen Isniintii lasoo dhaafay korjoogtada caalamiga ah ee ku sugan Hargaysa. Shir ay kor joogtadu qabatay waxay ku shaaciyeen inay jireen khaladaad dhacay waqtigii lagu guda jiray codaynta kuwaasoo ay kamid ahayd inay codka dhiibteen dad aan qaangaar ahayn.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland oo iminka ku mashquulsan tirinta codadka.

Dhinaca kale waxaa jira dabaal dagyo iyo guulo ay sheeganayaa axsaabta is haysa ee Kulmiye iyo Wadani kuwaasoo midba midka kale leeyahay guusha anagaa hantinay.

Hoos ka daawo Muuqaalka: