Video: Xog ka cusub weerarkii shalay lagu xasuuqay Yahuuda iyo muuqaalka oo lasoo bandhigay

Jerusalem (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in astaamaha oo idil ay muujinayaan in ninkii weerarka baabuurka Xamuul ku dilay afar ka mid ah askartooda uu ka mid ahaa kooxda Daacish.

Inkasta oo Netanyahu uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo arrintan muujinaya, haddana Daacish ayaa horey ugu hanjabtay inay weerari doonto Israel.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey nin Falastiini ah oo markii dambe toogasho lagu dilay kaasi oo baabuur xamuul jiirsiiyey koox askar ah oo ku sugneyd degmada Armon Hanatziv ee bariga Jerusalem ee Yahuuda ay xoogga ku haysato.

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha amniga Israel ayaa lagu go’aamiyey in maxkamad la’aan la xiro dadka u calool dabacsan Daacish. Tallaabadan ayaa lagu macneeyey marmarsiyo cusub oo lagu beegsanayo Falastiiniyiinta.

Weerarkii axadii ayaa waxaa lagu dilay saddex haween iyo nin, kuwaasi oo dhammaantood ku jiray da’da labaatanka, waxaana lagu dhaawacay 17 qof oo kale.

Ninka weerarka fuliyey ayaa lagu sheegay 28 jir lagu magacaabo Fadi Qunbar, kana yimid degmada Jabel Mukaber ee bariga Jerusalem, kuna dhow goobta weerarka uu ka dhacay.

Muuqaalo ay duubtay kaamirada qarsan ayaa muujiyey in baabuurka xamuul oo si xowli ah ku socda uu jiiray askarta ka hor inta uusan meydkooda horey iyo gadaal u marin si soo noqnoqosho leh.

Netanyahu oo booqday goobta weerarka ayaa yiri “Waan ogeen inay jiraan weeraro argagixiso oo taxane ah.

“Waxaa jiri kara xiriir ka dhaxeeya weerarkan iyo weeraradii sanaddii tagtay lagu qaaday Faransiiska iyo Jarmalka oo sidoo kale loo adeegsaday baabuur xamuul” ayuu yiri Netanyahu.

Kooxda Daacish weli kama aysan hadal weerarkan iyo eedeymaha loo jeediyey.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com