Warbixin: Gabdhaha awoodda badan ee ay madaxweynayaashu dhaleen + Sawirro

Ivanka Trump – USA

Waxay xafiis u gaar ah ka furatay Aqalka Cad, Ivanka Trump waxay sii adkeysatay inay tahay awoodda ugu sareysa maamulka madaxweynaha dhowaan xilka la wareegay ee dalka Mareykanka Donald John Trump.

Haweeneydan oo ganacsato ah, oo aan lahayn jago iyo mushaar la garanayo, waxay ka mid tahay gabdhaha dowladaha awoodda ku leh ee ay dhaleen madaxweynayaal kala duwan.

Waxa ay leedahay ganacsiyo badan, waxaana jira dhar iyo alaabo badan oo magaceeda kusoo baxa, aadna loo iibsado.

Ka sokow magaca aabaheed, waa qof iskeed isugu filan, waxaana la rumeysan yahay inay tahay gabar aad u wanaagsan marka loo eego fikradaha qalafsan ee laga qabo aabaheed, oo dad badan afkiisa cadaawad uga sameystay.

Ololaha Qoyska Pakistan

Maryam Nawaz Sharif, oo 43 sano jir ah, waxaa dhalay ra’iisul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Waxay inta badan qeyb ka tahay hay’adaha gargaarka ka shaqeeya arrimaha qoyska. Maryam Nawaz waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaartay maamulka ololihii aabeheed dib loogu doortay, sanadkii 2013kii.

Hadda waxay ka shaqeysaa xisbigiisa oo loo yaqaanno xisbiga Muslimiinta Pakistan.

“Markasta waxay diiradda saartaa dareenka,” ayuu yiri Weriyaha BBC Urdu, Asif Farooqi, oo dhowr jeer la kulmay.

“Waxay si cad ugu muuqataa qof awood badan leh, haddiiba aanan loo diyaarineyn in ay siyaaasadda ka dhaxli doonto aabeheed”.

Sanadkii tagay, magaceeda wuxuu ka muuqday fadeexaddii lagu baahiyay warqadihii loo bixiyay Panama Papers.

Waxaa la sheegay in ayada iyo laba wiil oo la dhashay ay qeyb ka yihiin shirkado aan la aqoon iyo akoono bangi oo loo adeegsado hanti qaali ah oo ku taalla London.

Aabeheed, Nawaz Sharif wuxuu beeniyay eedaha oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyaan dad dano siyaasadeed ka leh.

Waxaa sidoo kale arrintaasi baaritaan ku sameysay maxkamadda sare ee Pakistan oo la filayo inay isbuucyo gudahood go’aan ku gaarto.

Qoob ka ciyaaarka – Russia

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu si adag u difaacay noloshiisa gaarkaa ah. Illaa dhawaan wax badan lagama garaneyn labadiisa gabdhood.

“Saraakiisha Ruushka waxay ka shakiyaan warbaahin kastaa oo daneyneysa arrimaha qoyska Putin,” ayuu yiri weriyaha BBC-da ee Ruushka Famil Ismailov.

Sanadkii 2015-kii, gabadhiisa yar, Yekaterina, waxay masrax ka soo muuqatay ka dibna waxaa qabatay isha dad badan.

Waxaa la soo bandhigay in ay ku nooleyd Moscow ayadoo adeegsaneysa magaca ah Katerina Tikhonova.

Markaasi ka dib waxay warbaahinta qaar soo bandhigeen in uu gabadhaasi guursaday nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Kirill Shamalov, oo uu dhalay mid ka mid ah saaxiibada Putin.

Lamaanahaas waxaa dhaqaalohooda lagu qiyaasay $2bn oo dollar, ayna ka shaqeeyaan maalgashiga shidaalka iyo warshadaha.

Hadda waxay jirtaa 30 sano, waxay hormuud ka tahay mashruuc si shaac ah loo maalgeliyo oo lagu magacaabo “hormarinta garaadka”.

Mashruucaasi waxay ka fulineysaa jaamacadda Moscow oo ay maamusho dowladda.

Waxaa la sheegaa in ay kor kala socoto qandaraasyo malaayiin dollar lagu bixinayo, waxaana lataliyayaal u ah dadka saaxiibada dhow la ah aabeheed.

Tikhonova waxay sidoo kale aad ugu wanaagsan tahay ciyaaraha qoob ka ciyaarka, waxayna lambarka shanaad ka gashay tartankii 2013kii lagu qabtay Switzerland.

Gabadha aadka loo jecelyahay – Turkey

Sumeyye Erdogan, oo 31 sano jir ah, waa gabadha ugu yar caruurta maadaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaana si weyn loogu arkaa inay tahay midda uu ugu jecelyahay.

“Aabeheed wuxuu u aarkaa in ay noloshiisa tahay,” ayuu yiri weriyaha BBC-da ee Turkiga Irem Koker.

Waxay wax ku baratay dalalka Mareykanka iyo Britain, waxayna ku taqasustay seyniska.

Waxay la taliye u ahaan jirtay aabeheed, xilligii uu hogaaminayay xsbiga AKP, sidoo kale waxay ku wehlisay safarro badan oo diblumaasiyadeed.

Sanadkii 2015-kii, waxaa jiray shaki ah in Sumeyye ay u tartanto kursi baarlamaan, balse maysan dhicin middaas.

Dhowaanahan waxay door aan muhiim ahayn ku leedahay kooxda u ololeysa xuquuqda dumarka Turkiga.

Sumeyye waxay weli sii wadaa hadalkeeda aan gabadka lahayn ee ay ku taageereyso aabeheed iyo dowladdiisa.

Haweeneyda ugu taajirsan Afrika – Angola

Isabel dos Santos, oo 43 sano jir ah, waa gabadha curadda u ah madaxweynaha dalka Angola, Jose Eduardo dos Santos, kaas oo dalkaasi maamulaya tan iyo 1979-kii.

Waxay madax ka tahay shirkadda shidaalka ee dowladda ee loo garanayo Sonangol.

Sanadkii 2013-kii, sida ay sheegtay shirkadda Forbesmagazine, waxay Isabel noqotay haweeneyda ugu taajirsan Afrika, dhaqaaleheeda waxaa lagu qiyaasay $3.2bn.

Waxay taqasuskeeda dhaqaalaha ku sameysay dalka Britain, waxay sidoo kale baratay isgaarsiinta iyo ganacsiga dayamonka.

Waxay noqotay haweeneyda ugu galaangalka badan ganacsiga dalka Angola.

Waxay sidoo kale maalgashiga danabka iyo shidaalka ka sameysatay dalka Boortoqiiska oo gumeystay Angola.

Dalkaasi Angola wuxuu ka mid yahay kuwa ugu musuqa badan dalalka caalamka, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay hay’adda la dagaallanka musuqa.

Ms Dos Santos waxay la kulmeysaa dhalleeceyn ah in lacagta ay hayso ama magaceeda uu ku qoran yahay uu leeyahay aabeheed.

Eedaasi waxaa si adag u beeniyay ayada iyo lataliyayaasheeda.

Madaxa shaqaalaha iyo xildhibaaan – Tajikistan

Ozoda Rahmon, oo 39 sano jir ah, waa gabadha Emomali Rahmon, oo ah madaxweynaha mudada dheer xilka hayay ee dalka Tajikistan.

Waxay ku taqasuska sharciga, shaqadeedana waxay ka bilowday diblumaasiyad, ka hor inteysan noqon ku xigeenka wasiirka arimaha dibadda, sanadkii 2009-kii.

Sanadkii 2016kii, aabeheed wuxuu ka dhigay madaxa maamulka madaxtooyada, sidoo kale waxay ku guuleysatay kursi ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka.

Ozoda waxaa guursaday Jamoliddin Nuraliyev, oo ah ku xigeenka koobaad ee maamulka bangiga dhexe ee Tajikistan.

Waxay dhashay shan caruur ah.

Keligeed maaha dadka ka mid ka ah qoyska Rahmon ee dowladda xil ka haya, walaalkeed ka weyn, Rustam, waa maayarka caasimadda Dushanbe.

Sidoo kale walaasheed ka yar, Rukhsona, waxay ka shaqeysaa wasaaradda arrimaaha dibadda.

Qoyska madaxweynaha wuxuu ka kooban yahay sagaal qof.

Qaraabada kale ayaa la sheegayaa in ay hayaa shaqooyiin sarsare, “si qoyska Rahmon ay uga dhigaan taajiriin iyo kuwa ugu dhaqdhaqaaqa badan dalka Tajikistan”.