Warbixin: Soomaalida geerida u bareera si ay u guursadaan

Sannadkan oo keliya in ka badan 1,300 oo muhaajiriin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen badda meditiraniyaanka, kuwaasi oo doonayey in ay gaaraan Yurub. Haddaba dadka tahriiba waxaa ka mid ah Soomaali kumannaan gaaraya.

Waxay u tahriibaan sababo kala duwan, balse ay ugu horreyso in ay raadinayaan nolol wanaagsan, iyo sidii ay ku horumarin lahayeen noloshooda. Balse waxaa sidoo kale jira dhallinyaro u tahriiba sidii ay ku samaysan lahayeen dhaqaale ama lacag ay ku guursadaan.

Jamhurriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Soomaaliland waxay ka mid tahay meelaha dadka ugu badan ka tahriibaan geeska Afrika. Waxaa la sheegayaa in mushkiladda tahriibka tahay mid taabatay ama saamaysay ku dhawaad qoys walba oo ku nool Somaliland.

Hooyo Fadumo Yussuf, waa 55 sano jir. Waxay tahriibka ku wayday laba carruur ah oo ay dhashay Aadan Yusuf oo 19 sano jir ahaa iyo walaashii Adna Yusuf oo 21 sanno jir ahayd. Aadan wuxuu dhiganayay jaamacad halka Adna doonaysay in ay billowdo sannadka koobaad ee jaamacadda.

” Waxaan ku ogaaday in ay dhinteen, kadib markii la ii soo sheegay in maydkooda laga soo saaray baabuur ay ku safrayeen oo marayey saxaraha Libya iyo Sudan”,ayay tiri iyadoo oynaysa, gacantana ku haysa sawirradii ugu dambeeyay ee carrurteeda saxaraha ku dhintay.

Sida dhallinyaro badan oo tahriibtay, hooyo Faaduma carruurteeda xitaa lama ay wadaagin hooyadood qorshaha ay damacsanaayeen.

“Waxaan qorshaynayey in wiilku uu guursado marka uu jaamacadda dhameeeyo” ayay tiri, iyadoo ilinta iska tireysa, waxayna raacisay ”waxaan u malaynayaa in uu qaaday hammi ah sidii uu anaga waalidkiis ah iyo gabadha aan u doonay uu wax ugu soo qaban lahaa”

Inkasta oo ay xasiloontahay, Soomaaliland haddana waxay ka mid tahay meelaha kumannaanka Soomaalilda ah ay ka tahriibaan sannad walba.

Da’yarta ayaa ku haminaya in ay noloshooda wax ka badelaan, guurkuna wuxuu ka mid yahay arrimaha ay maanka ku hayaan.

Iskuulka sare ee Faarax Omaar, waxa uu ka mid yahay dugsiyadda qadiimiga ah ee ku yaalla Somaliland. Iskuulka waxaa la sheegaya in boqolaal arday ah ay ka tahriibeen sannadihii ugu dambeeyey.

Qaar ka mid ah aradada ayaa BBC-da u sheegay in saaxibbadood iyo dhallinyarada kale ay u tahriibeen ka dib markii ay ku adkayd nolosha iyo guurka oo gaar ahaan aad qaali u ah.

Kharashka guurka Somaliland ayaa mararka qaar gaara ilaa iyo $15,000.

”Guurka qaaliga ah ayaa sabab u ah tahriibka dhalinyarada qaar. Hablaha ma doonayaan inamo aan dhaqaale heysan. Sidaas darted ayaa iyagoo dhaqaale doon ah ay dibedda u tahriibaan dhalinyarda” ayay tiri gabar wax ka barata iskuulka Faarax Omaar.

Arrintaas waxay ku qaaday maamulka iyo xukuumadda oo is kaashanaya in ay bilaabaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ardeyda looga digayo qatarta uu leeyahay Tahriibka.

”Waxaan uga sheekaynaa qatarta laga la kulmo tahriibka,” sidaasi waxaa yiri Siciid Cabdi Shiil oo ah maamulaha dugsiga.

”Waxay u tahribaan sidii ay uga gun-gaari lahayeen arrimo ay ka mid yiiin guurka” ayuu raaciyey.

Dadaalladan waxaa aad u taageera wasaaradda waxbarashada, iyadoo xukuumadduna dhowaan ku dhawaaqday in dhibaatada Tahriibka dhallinyarradu ay tahay musiibo qaran.

Magaalada Hargeysa waxaa caan ka ah nooc tagaasida ah oo loogu magacdaray ”Hooyo ha tahriibin” wuxuu magaacaasi ka dhashay dadaalka ay waalidiinta qaarkood ku doonaya inay ka joojiyaan carruurtooda safarka khatarta badan.

Waxay u iibiyaan taagaasisada noocan ah si ay ugu shaqaystaan, nolol maalmeedkoodana uga soo saartaan.

”Waan ku faraxsanahay in aan isaga haray tahriibka” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Ismaaciil oo 25 sano jir ah kana mid ah da’yarta ka faa’iideystay fursadaha ay siiyeen waalidkood. Waxaan ku shaqeystaa mid ka mid ah takaasida loo bixiyey ”Hooyo ha tahriibin”.

” Waxaan kula talin lahaa da’yarta in ay maskaxdooda ka shaqeysiiyaan, oo ay isga haraan tahriibka, waayo halkan waxa jira fursado badan” ayuu yiri.

Maxamed, haatan waa aabe dhalay laba carruur ah, wuxuuna rajeynayaa in uu ku sii macaasho nolosha uu ku haysto Hargeysa

Hasayeeshee, inta laga xaqiijinayo in dhallinyarta loo sameeyo fursado shaqo, waxaa hubaal ah in dhibaatada haysata hooyo Faadumo iyo waalidiin kale ay sii socon doonto.

Xigasho: BBC