Xog: Xildhibaanada iyo wasiirada DF oo isku bedelay keydka hubka la baadi-goobayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda Howlgal Hub ka dhigis ah oo ay wadaan Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Hub ka dhigista oo kusii baaheysa Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa dhinacyada Hubka laga dhigaayo qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo kuwo horay u hayay xilal.

Hub ka dhigista ugu badan ayaa la sheegay inay ku socto Siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay dowladii hore ee Hubka farahabadan ku heysta guryaha, kuwaa oo iminka kala bar laga dhigay Hubka culus.

Hubka ugu badan ee baadi-goobka loogu jiro ayaa la xaqiijiyay in Siyaasiyiinta ay u dhiibanayaan Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan labada Gole ee dowlada.

Wasiirada iyo Xildhibaanada aan wadan jirin Hubka qaar ayaa waxaa iminka la arkayaa iyagoo ku hubeysan Hub aad u farabadan kuwaa oo si KMG ah loogu amaaneystay Hubka, si aanu u saameyn Hub ka dhigista socta.

Sidoo kale, waxaan weli Hubka culus laga dhigin Wasiirada iyo Xildhibaanada kuwaa oo waddooyinka magaalada ku dhex wata Hubka la mamnuucay sida PKM.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa durba qeyla dhaan ka keenay Hub ka dhigista Siyaasiyiin dhowr ah oo ilaaladooda siyaabo kala duwan looga qaaday Hubka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com