Wiilka Osama Bin Laden oo la wareegay hoggaanka Al-Qacida, farriin yaab lehna soo diray

Qahira (Caasimada Online) – Wiilka Osama Bin Laden oo lagu magacaabo Xamza Bin Laden, ayaa soo shaac baxay, wuxuuna isku dayayaa inuu buuxiyo booskii aabihiis, hoggaankana u qabto ururka Al-Qacida.

Muddo laba asbuuc ah ayaa waxaa shabakadaha kooxaha Islaamiga ah dhex wareegaya cajalad uu soo duubay Xamza oo hadda 28 jir ah, waxaana dadkii dhageystay badankood ay sheegeen inay moodeen in Osama Bin Laden oo soo noolaaday uu la hadlayo.

“Isku diyaariya inaad jug culus gaarsiisaan kuwa allah beeniyey. Waxaad raacdaan waddadii shuhadada idin ka horeysay” ayuu Xamza ku yiri fariin la baahiyey 13-kii bishan May.

Dad badan ayaa aaminsan in Xamza uu yahay ninka aabihiis ka dhaxlay hoggaanka boqortooyada Al-Qacida.

Waxaa fariintiisa ku jira amar ah in weerar lagu qaado magaalooyin waa weyn oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga America, ayada oo loogu aargudayo caruurta dalka Syria ee lagu dilo duqeymah diyaaradeed.

“Qasab maaha inaad weerarka u adeegsato qalab milatari. Haddii aad hub heli karto waa wanaagsan tahay, hadii aadan helin karinna waxaa furan habab badan” ayuu ku yiri fariinta.

Dadka fallanqeeya arrimaha argagixsada ayaa aaminsan in farriintan ay caddeyn u tahay isbeddelo weyn oo ka dhex socda kooxda Al-Qacida, oo sanadihii ugu dambeeyey u muuqatay mid nuxuustay oo tabar beeshay.

U diyaarinta Xamza Bin Laden ee hoggaanka Al-Qacida ayaa socotay tan iyo sanadii 2015, markaasi oo cajalad muuqaal ah oo uu soo duubay Ayman Al-Zawahiri uu dagaalyahanada islaamiga ah ku baray wiilkan da’da yar, isaga oo ku magacaabay “Libaax ka yimid diinta”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com