Xog: Beesha caalamka oo ka walaacsan saameynta Al-Itixaad ee xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilada reer galbeedka ee Somaliland ayaa ka walaacsan saameynta kooxda Al-Itixaad Al-Islaami ee kusii kordhaya maamulka madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, sida ay sheegeen ilo-diblomaasiyeed.

Walaacan ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay dabaayaqadii sanaddii tagtay, markii wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu dibadbaxyo ka dhan ah Britain u adeegsaday hogaamiyayaasha kooxda Al-Itixaad ee Somaliland.

Ilo-diblomaasiyeed ayaa sheegay in markii Britain ay kasoo horjeesatay dib u dhigga ay Somaliland ku sameysay doorashada madaxweyne, uu Maxamuud Xaashi Cabdi abaabulay dibadbax ay qeyb ka ahaayeen hogaamiyayaasha Al-Itixaad ee Somaliland, oo looga soo horjeeday safiirkii hore ee Britain ee Somalia Hurriet Mathews.

Bilo kadib ayaa Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu Siilaanyo ka dhaadhiciyey in xubno Al-Itixaad ah ay ka mid noqdaan golaha diinta Somaliland, waxaana ka mid ah Xasan Sheekh Cali Warsame, oo uu dhalay Sheekh Cali Warsame, oo ah ninkii aas-aasay kooxda Al-Itixaad.

Xiriirka reer galbeedka iyo Somaliland ayaa sidoo kale sii xumaanayey tan iyo markii Somaliland ay ku guul-darreystay inay qabato doorashada madaxweyne, oo waqtigooda dib uga dhacday muddo ku dhow labaatan sano.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com