Xog: Gaas iyo Faroole oo qorshe cusub u degay doorashada 2017

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka C/wali Gaas uu magaalada Garoowe ku diyaariyay dhalinyaro aad u farabadan kuwaa oo la doonaayo in loo soo kaxeeyo magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaani oo laga soo xulay xarumaha kala duwan ee maamulka ayaa waxaa loo diyaariyay in magaalada Muqdisho ay ka wadaan ololaha Musharax C/raxmaan Faroole.

Dhalinyaradaani oo tirro ahaan lagu sheegay 20 ayaa waxaa si siman u fangareynaaya Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas iyo C/raxmaan Faroole, waxa uuna qorshuhu yahay ololaha asbuuca ugu danbeeya.

Baahidaani cusub ayaa timid ka gadaal markii uu hoos galay ololaha Faroole ee ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo loo sababeynaaya taageero la’aan.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si xooli ah uga socda ololaha musharaxiinta, walow qaar kamid ah Musharaxiintaasi aysan ka dhexmuuqan kuwa kale.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com