Xog: DF Somalia oo rabta in qorshaha milatariga ay u kaashato Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliy Jeneral Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa booqasho qaadatay afar malamood ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, 10-14-kii July, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Intii lagu guda jiray socdaalkiisa ayaa Jeneral Cirfiid wuxuu la kulmay dhiggiisa dalka Masar Mahmoud Hijazi, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada dalka Soomaaliya.

Jeneral Cirfiid ayaa dowladda Masar weydiistay taageero farsamo iyo barnaamij tababar oo loo fidiyo ciidamada cusub ee kusoo biiraya milatariga Soomaaliya.

Hijazi ayaa ogolaaday inuu codsiga Cirfiid u gudbiyo madaxweynaha dalka Masar Abdifatah al-Sissi, islamarkaana dhabbaha loo xaaro heshiis milatari oo dhex mara xukuumada Qaahira iyo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan ballaarineysay iskaashiga milatari ee ay la leedahay dalalka kale, ayada oo dhowaan madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ogolaaday inuu 300 oo askari usoo diro saldhigga Turkiga ee Muqdisho bisha August, si ay u tababaraan ciidamada Soomaalida.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com