Xog: Faroole oo sabab u ah culeyska Gaas uga imanaya xildhibaanada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ahna xubin ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Sare Cabdiraxmaan Faroole ayaa culeys weyn ku hayo madaxweynaha hadda xilka hayo ee Cabdiweli Cali Gaas.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Faroole yahay shaqsiga ka dambeeyo culeyska saaran Madaxweyne Gaas, waxaana la sheegay inuu ka shaqeenayo sidii Gaas kursiga looga dajin lahaa.

Faroole ayaa hoggaanka u hayo shaqsiyaad mucaarad ku ah Madaxweyne Gaas, waxaana shaqsiyaadkaas kamid ah xubno ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya kuwaas oo asal ahaan kasoo jeedo deegaanada Puntland.

Xiriirka ka dhaxeeyo Faroole iyo Gaas ayaa muddooyinki dambe aad usii xumaanayey tan iyo markii uu Gaas amray inaan Faroole lagu soo dhaweyn karin Ciidamo marka uu kasoo dagayo garoonka Garowe, taasoo keentay khilaaf ka dhex bilowday dadka deegaanadaas dagan.

Faroole iyo siyaasiyiin kale ayaa kulamo iyo xiriir xagga taleefoonka ah lasoo sameenayo Xldhibaanada Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socdo mooshin laga keeno Gaas, iyadoo la xasuusta in dhawaan kalsoonidii lagala noqday wasiiradiisa.

Gaas ayaa hadda dhexda uga jiro siyaasad abaabulan oo ay wadaan xubno uu ugu horeeyo Faroole oo ah nin waayeel ah oo doonayo in si deg deg ah xilka looga qaado Gaas oo ay is dagaalsan yihiin siyaasad ahaan.

Gaas ayaa markii hore xilka laga guuleystay Faroole, waxayna maalmihii ugu horeeyey muujinayeen inuu aad u fiican yahay xiriirkooda, balse tan iyo markii ay dhacday doorashadii Soomaaliya waxaa banaanka usoo baxayey khilaaf ka dhex dhashay labadaan Mas’uul.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com