Xog: Heshiis ciidan Ethiopian ah lagu keenayo Muqdisho oo la saxiixay + Tirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si qarsoodi ah heshiis ula gashay Itoobiya oo ay ka codsadeen in bilowga December ay siiyaan ciidan gaaraya laba kun oo askari oo joogi doona xarumaha Madaxtooyada iyo goobo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Heshiiska oo lagu sixiixdey magaalada Addis Ababa ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya sixiixay taliye ku-xigeenka Milatariga Sareeye Gaas Cali Baashi, kadib markii uu si cad qorshahaas u diiday Taliyiha Milatariga Gen. Maxamed Aadan oo u sheegay Madaxweyne Xasan inuusan sixiixi karin heshiis ciidan Itoobiyaan ah lagu keenayo Muqdisho oo ah caasimaddii Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa aad uga xanaaqay saaxiibka gaarka ah ee Madaxweynaha xildhibaanka aannla dhaarin ee Faarax Cabduqaadir oo aakhirkii Madaxweynaha ka dhaadhiciyay inuu kuxigeenka taliyaha Cali Baashi u wakiisho oo uu sidaas uu ku sixiixay heshiiskan halistiisa leh ee aan ilaa iyo hadda la shaacin.

Taliye xigeenka Cali Baashi waxaa safarka qarsoodiga ah ki wehlinayay la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca amniga Gen Cabdiraxmaan Tuuryare iyo Gen Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ciidanka ka ah taliyaha saadka, madaxtooyadana u qaabilsan heshiiska keenista iyo iibinta hubka dowladda loogu deeqo.

Arrintan ayaa soo xoogaysatay kadib markii cadaadis beesha caalamka kaga yimid Madaxweynaha loogu sheegay in doorashada uu qabto 15ka December ama Amisom uu isku dhiibo, isaga oo u arka Itoobiyaan Villa Soomaaliya u jooga inay sii dheereyn karto xilligiisa Madaxtooyada.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo xamar jooga ayaa qiimeyn ku sameyey dhawaan xarumaha muhiimka ah ee la dejin karo ciidankooda, iyada oo Itoobiya ay horey u caddeysey inay taageero ciidan iyo mid siyaasadeed ay siineyso Madaxweynaha xilliga uu ka dhamaadey ee Xasan Shiikh Maxamuud oo ay u aragto saaxiib u gaar ah oo fulinaya dana badan oo ay leedahay, iyada oo dhawaana musharaxiin ay ka wacdet Addis u sheegtay inay u tanaazulaan Xasan oo codkooda ay siiyaan, madaxda maamulada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeedna u sheegay in xildhibaanada laga soo doortay ay ku qasbaan doorashada Xasan.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com