Xog: HirShabeele oo soo faragelisay Kursiga Beesha Daa’uud iyo Cali Cosoble oo dalbaday in….

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wali la isku mari la yahay cidda qaadeyso xubinta aqalka hoose ee beesha Daa’uud.

Kursigaasi oo uu murun badan ka taagan yahay ayaa waxaa isku haya jufooyinka hoose ee beesha Daa’uud, waxaana jufo kastaa dooneysaa iney xubintaasi hesho.

Labada Juffo ee isku haya kursiga ayaa ah Isaaq Daa’uud iyo Yuusuf Daa’uud, waxaana jufada Isaaq daa’uud horey ay u heshay xubinta aqalka sare ee beeshaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay ay magaalada ay ka dhaceen kulamo la isku mari waayay, waxayna qasabtay in maamulka uu dalbadon in siyaasi Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil.

Madaxweynaha maamulka HirShabeele Cali Cabdulaahi Cosoble oo horey tartanka kaga saaray gudoomiyihii Hiiraan iyadoo la eegay saami qeybsiga beelaha ayaa sheegay in Cabdulaahi Sheikh Xasan doonayaan in laga saaro tartanka maadaama jufada uu kasoo jeedo ay heshay xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Kursiga beeshaasi ayaa xiisad gaar ah ka taagan tahay, waxaana la ogeyn sida wax noqon doonaan.

Ugaaska Beesha Daa’uud ayaa ka hor yimid qorsha uu waddo madaxweynaha HirShabeele ee ah in liiska tartanka laga saaro Cabdulaahi Sheikh Xasan, wuxuuna sheegay in haddii liiska laga saaro uu kala diro doono dhamaan ergada beesha.

Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
Caasimada@live.com