Xog: Imisa xildhibaan oo lid ku ah golaha wasiirada ayuu diyaarsaday Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si xooli ah Magaalada Muqdisho uga dhex wada ololo looga soo horjeedo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu dhawaan magacaabay R/W Kheyre.

Jawaari ayaa kullamo joogta ah hooygiisa kula qaadanaaya Xildhibaano ka tirsan BFS, kuwaa oo laga dhaadhicinaayo inay ka hor imaadan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ee la doonaayo in gudaha Asbuucaani la horgeeyo Baarlamaanka.

Jawaari ayaa Xildhibaanada u ifinaayo dhibaatada ay leedahay in Wasaaradaha ugu muhiimsan lasiiyo Beelo gaar ah, waxa uuna ku cadaadinayaa inay garab kusiiyan is hortaaga Wasiirada.

Warar hoose ayaa sheegaya in Jawaari uu iminka gacanta ku hayo Xildhibaano 135 oo loo diyaariyay diidmada meelmarinta Golaha Wasiirada.

Xildhibaanadaani ayaa la xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari ay u saxiixen Warqad dheer oo lagu muujinaayo tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda Golaha Wasiirada cusub.

Siyaasada Jawaari ayaa u muuqaneysa mid lagu cuuryaaminaayo Xukuumada Cusub ee Somalia, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in laga diiday laba ruux oo uu la doonaayay Wasaarado muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalin karin sida uu xaalku noqon doono marba haddii uu Khilaaf ka dhextaagan yahay Madaxda ugu sareysa dalka iyo Xildhibaanada BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com