Beesha Xawaadle oo Odawaa ku xirtay hal shardi

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa fashilka ku imaaday socdaalka Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa uu ku gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Odayaasha Xawaadle ay wali ku adkeysanayaan in arrimaha shirka Jowhar aysan marnaba kala hadli doonin Wasiir Odawaa oo ay sheegen inuu yahay shaqsiga sababta u ah in shirka Jowhar uu hakat galo.

Odayaasha Xawaadle ayaa ku doodaaya in Wasaarada arrimaha Gudaha ay ku fashilantay sii socoshada shirka Jowhar, sidaa aawgeedna aysan heynin waji kale oo ay ku raali noqdaan marba haddii Madaxtooyada Somalia ay xal u aragtay in Beelaha dega Hiiraan ay ku mashquuliso Wasiir Odawaa.

Ugaas Khaliif oo kamid ah Odayaasha ay talada ka go’do ayaa sheegay in wax nicno ah aysan soo kordhin doonin daqiiqado ay la fadhiistaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, balse ujeedka uu yahay in xal laga gaaro muranka ka taagan shirka Jowhar ee lagu marin habaabiyay Beelaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ugaaska ayaa sheegay in shirka uu sii ahaandoono mid qabyo ah, waxa uuna shuruud ka dhigay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu arrintaani kala furfuro, haddii uusan diyaar u aheyn aysan iyaguna ka tanaasuli doonin mowqifkooda.

Marka laga soo tago shuruuda Ugaaska uu sheegay ayaa waxa uu Khilaafka ka taagan yahay laba qodob oo mida koowaad ay tahay in Ergada shirka oo loo kala badiyay Maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo in Madaxweyne Xassan uu Odayaasha Hiiraan ku qancin waayay in Madaxweynaha Maamulka Cusub uu noqon doono Faarax C/qaadir oo iminka ay dhabarka ka riixeyso Dowlada Somalia iyo Ethiopia.

Odayaasha Maamulka Sh/Dhexe ayaa raali ku ah in Faarax C/qaadir uu noqdo Madaxweynaha Maamulka, Halka Odayaasha Hiiraan ay iyaguna miinka cuskadeen in Faarax uusan Gobolka kasoo agdhawaan karin, bacdamaa uusan Tuulo ka degin.

Ma cadda sida Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Dowlada Ethiopia Odayaasha Hiiraan ugu qancin doonaan in Faarax C/qaadir uu noqdo Madaxweynaha Maamulka la dhisi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com